Niger oo dowlad ku meel gaara looga dhawaaqay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Hogaamiyiha Ciidamada afgambiga kula wareegay dalka Niger ayaa sheegay in saddex sano gudahood ay xukunka ku soo celin doonaan dadka shacabka, isla markaasna ay dhici doonto Doorasho.

General Abdourahmane Tchiani oo la kulmay wafdi ka socda madaxda Galbeedka Afrika ayaa ka digay weerar kasta oo lagu qaado in ay iska difaaci doonaan.

General Abdourahmane Tchiani, ma bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan sida ay dhici doonto doorashada iyo cida ka qeyb galeysa.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in 30 maalmood gudahooda lagu qaban doono shir looga hadli doono aayaha dalkaasi.