Madaxweynaha Somalia oo la kulmay wafdi ka yimid waqooyiga gobolka Galgaduud

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynaha Somalia Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo u weheliyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane H.E Ali Dahir Eid ayaa manta qaabilay wafdi Dhaqan iyo Siyaasiyiin iskugu jira oo ka socday Beesha Sade Daarood.

Wafdigaan oo u hogaaminayay Ugaaska Beesha Sade ugaas Maxamed Kayse ayaa intooda badan ka soo kici timay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Galgaduud.

Shirkaan ayaa muhiimadiisa waxaa uu darnaa Cabasho Beesha Sade ay ka tahay Awood qaybsiga Xukuumaada Fadaralka Somalia iyo sida lo qaybsaday xilalka sare

Ugaas Beesha Sade ayaa waxaa uu sheegay in Beesha aysan ku qanacsanayn qaab dhismeedka Xukuumadda Raisalwasare Xamze Abdi Barre waxana u dalbaday in la saxo tabashada Beeshana laga qanciyo.

Dhanka Kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali dahir Eid ayaa sido kale ku raacay Soo jeedinta Ugaas waxana u sheegay in ay muhiim tahay in la xaliyo tabashada Beesha.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Somalia Mudane Hassan Sheikh Maxamuud ayaa ka garaabay cabashada Beesha waxana uu balan qaday in uu si rasmi ah u xalin doono
tabashada Beesha haday tahay Golaha
Wasiirada,Safaradaha iyo Agaasime yaasha.

Ugu danbeyn kulankaasi waxaa u ku so dhamaday isfahan waxana la saray gudi Madaxwaynaha Somalia u gudbin doona Xilalka ka maqan beesha Gudigaas ayaa waxaa hogaamin doona Madaxweyne
kuxigeenka Galmudug iyo Ugaaska Beesha Sade.