Biixi oo loo doortay musharax madaxweyne xusbiga kulmiye

MUQDISHO_AYAAMAHA-Shirkii Xisbiga Kulmiye uga socday magaalada Burco oo maanta ku eg ayaa hadda lagu doortay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay musharrax madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, halka Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo hadda ah wasiirka ganacsiga loo doortay musharraxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga.

Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa isna loo doortay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyadoo guddoomiye xigeenka koowaad loo doortay Cabdicasiis Samaale.