Qatar iyo Hungary oo kala saxiixday heshiisyo istiraatiijiyadeed

MUQDISHO_AYAAMAHA-Dawladaha Qatar iyo Hungary ayaa sheegay inay inay sare u qaadayaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya, iyaga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka  istiraatijiyadda ah, ka dib markii booqasho rasmi ah uu ku tagay Budapest Amiirka Dawladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad.

Heshiiskan ay labada dal kala saxiixdeen ayaa waxaa ka mid ah ilaalinta deegaanka, tababarrada dublamaasiyadda, is dhex galka Dhallinyarada iyo iskaashiga dhinaca beeraha, waxaana saxiixa Heshiiskan goob joog ka ahaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim iyo Ra’iisul Wasaaraha Hungary Viktor Orban.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Hungary, Peter Sjärto, ayaa warbaahinta u sheegay in Qatar iyo Hungry ay isku afgarteen iskaashiga arrimaha dibadda, isagoo intaas ku daray in Dooxa iyo Budapest aya isku raacsan yihiin in wada-hadalka iyo wada-xaajoodka uu yahay waddada lagu gaari karo nabadda iyo dhinacyada iskaashiga.