Wiil xalay lagu dilay CAABUDWAAQ waa maxay sababtu ?

MUQDISHO_AYAAMAHA-Allah unaxriiste Marxuum Cawil mahad dheel oo kamid ahaa dhalinyarada Degmada Caabudwaaq ayaa xalay koox burcad ah ku dhex dileen Gudaha Degmada.

Marxuunka ayaa sababsaday Kadib markii kooxdan ay damceen inay ka dhacaan moobeelka asna uu kula diriray kadibna ay Galiyeen Toorey taas oo ugu danbeyn uu u geriyoday.

Caabudwaaq ayaa waxaa habaynadii danbe kusoo badayay kooxo burcad ah oo dadka moobilada ka furanaya kuwaas oo dadka qaar dhibatooyin ugaysanayay.