Soomaaliya iyo Beesha Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo Nayroobi ku shirsan

MUQDISHO_AYAAMAHA-Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya waxaa ka bilowday wadahadallo u dhexeeya Soomaaliya iyo wakiillada Beesha Dhaqaalaha ee Bariga Afrika EAC oo ay Soomaaliya codsatay inay ka mid noqoto.

Saraakiil gobolka ah ayaa laga soo xigay inay sheegeen in Soomaaliya ku biiri karto EAC sannadankan, hase yeeshee waxaa ka horraysa in guddiga qiimaynaya ay warbixintooda u gudbiyaan madaxda toddobada waddan ee haatan ku jirta ururkaas.