Nin ku jiray Liiska Cunaqabataynta Maraykanka oo la geeriyooday Yevgeny Prigozhin

MUQDISHO_AYAAMAHA-Hay’adda dalka Raashiya ugu qaabilsan Duullimaadka Rayidka ayaa soo daabacday magacyada dhamaan rakaabkii iyo shaqaalihii ku dhintay Diyaaradii xalay ku burburtay meel ku dhow Tuullada Kuzhenkino ee Gobalka Tver ee dalkaasi, oo 180 KM dhanka W/Galbeed kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Moscow.

Dadkii ugu caansanaa ee Shilkaasi ku dhintay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:
1- Madixii Shirkadda Milliteriga PMC Wagner Group (Private Military Company), Yevgeny Prigozhin,
2- Dimitry Utkin,
3- Sergey Propustin,
4- Yevgeny Makaryan,
5- Alexander Totmin,
6- Nikolay Matyuseyev iyo
7- Valery Chekalov oo aad ugu dhawaa Madaxii Kooxda Calooshood-u-shaqaystayaasha ee Wagner, wuxuuna Valery Chekalov ka mid ahaa Liiska Cunaqabataynta ee ay Dowladda Maraykanka ku soo rogtay qaar ka mid ah Muwaadiniinta Raashiyaanka.
Sidoo kale, Shaqaalihii Diyaaradda burburtay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:
1- Alexey Levshin, Duuliyaha Koowaad,
2- Rustam Karimov, Kaaliyaha Duuliyaha iyo
3- Kristina Raapopova oo ahayd U-Khidmaynta dadka Rakaabka
Dhanka kale, ma kala cadda sababaha Rasmiga ee burburka Diyaaraddaasi oo ay ku dhinteen Madixii Kooxda Hubeysan ee PMC Wagner, Yevgeny Prigozhin iyo 9 qof oo u badnaa Gacan-Yarayaashiisa Khaaska ahaa.
Warar soo baxay ayaa sheegayo in Diyaaradda la toogtay, lana maqlay Labo qarax, ka hor inta aysan Diyaarada oo ololaya ku soo dhicin dhulka.
Diyaarada oo nooceedu ahaa Embraer-153BJ (EBM-135BJ) waxay ku burburtay Gobalka Tver oo dhanka Waqooyi kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Moscow.