Gargaar loo diyaariyay deegaanada Alshabaab laga saarayo

MUQDISHO_AYAAMAHA-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey kulan looga hadlay xasilinta iyo isku-duwidda arrimaha gargaarka ee degaannada laga saaray AL-Shabaab.

Kulankaasi oo sidoo kale looga hadlay dadaalka Dowladdu ugu jirto deegaanada dhimman ee hadda la xoreeynayo,waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka, hay’adaha deeqaha bixiya, hay’adaha islaamka ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada iyo xubno kale.

Hay’adda SoDMA ayaa soo bandhigtay qorshaha guud ee ay ka leedahay ka jawaabista iyo gurmadka degannada Galmudug ee dhawaan laga saaray AL-Shabaab iyo sidii bulshada ku nool goobahaas si isku mid ah loo gaarsiin lahaa gargaar iyo adeegyada aas-aaska u ah bani’aadamka.

Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garowga duufaanno, dabaylo iyo roobab laga cabsi qabo in ay ka dhacaan qeybo dalka kamid ah.