Madax kusoo qulqulaysa Dhuusamareeb ee Caasimada galmudug

MUQDISHO_AYAAMAHA– Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo xigeenkiisa ay u gaareen Galmudug ayaa ah sidii ay uga qayb gali lahaayeen shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.