MUQDISHO_AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay guddiga xasillinta Galmudug.
Guddiga oo ah heer wasiirro ayuu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan arrimaha xasillinta iyo adeeg gaadhsiinta shacabka ku dhaqan deegaannada dhawaan laga saaray Al-Shabaab.
Xubnaha guddiga ayaa dhankooda ballan-qaadeen inay dedaal dheeri ah gelin doonaan sidii adeegyada bulsho ee aasaasiga ah loo gaadhsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey khawaarijta.