GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA BJFS

MUQDISHO_AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 30-aad guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha ee hada maraya akhrimaha kala duwan, habraaca wax ka bedelka dib u eegista dastuurka, howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka oo maraya akhrinta 3-aad iyo qaxootiga iyo magangaliyo doonka oo maraya akhrinta 2-aad. Warbixinta Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ee ku saabsan tababarada Guddiyadda Golaha Shacabka BJFS.

Dhanka kale Guddiga Joogtada ah ee Golaha shacabka BJFS waxaa uu boggaadiyay isla-markaana taageeray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan jiida hore ee dagaalka, waxaana ay ku dhiirageliyeen in ay sii laba jibbaaraan dadaalka lagu difaacaayo dalka.