Qoor qoor oo burburiyay waraaq shaqo joojina oo lagu sameeyay Wasiirka Arimaha gudaha galmudug Cabdiwaayeel

MUQDISHO_AYAAMAHA- : Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa cadeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska badalin sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug

Madaxweynaha ayaa faraya hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cidkasta oo wax u dhibta amniga iyo xasiloonida degmada Cabudwaaq.

Shaqa wacan