Dad isku qoysa oo miino ku dhintay

MUQDISHO_AYAAMAHA- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhex dhacay guri ku yaalla duleedka deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Inta la xaqiijiyay hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday qarax ka dhex dhacay guriga, halka laba qof kalena oo ku sugnaa goobta ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad isku qoys ah oo deganaa guriga uu qaraxaasi ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud ayaa tagay guriga, isla markaana gurmad u sameeyay labada ruux ee dhaawacantay, sidoo kalena ka qaaday halkaasi meydadka.

Ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa miino baarista ayaa inta badan miinooyin qaraxyo ah kasoo saara deegaannada Al-Shabaab laga saaro, waxaana deegaanka Ceel-lahelay shalay la wareegay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah.