Kuuriyada waqooyi oo maraakiib soo bandhigtay

MUQDISHO_AYAAMAHA- Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday in ay furtay bog cusub oo ku aadan weerarada xirfadeysan  ee loo adeegsado maraakiibta ku howlgala hubka Niyuklerka ah ee ku socda biyaha hoostooda.

Qorshahaan oo ka yimid hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un ayaa qeyb ka ah dadaal lagu hormarinaayo ciidamada badda si ay uga hortagaan waxa lagu tilmaamay Mareykanka iyo xulafadiisa Aasiya.

Wakaaladda Wararka Dhexe ee Kuuriya (KCNA) ayaa sheegtay in farsameynta gujiska No 841 ee lagu magacaabo Hero Kim Kun uu awood u leeyahay in uu badda hoosteeda ka tuuro gantaalada hubka niyuklerka ah.

Ma cadda tirada gantaallada uu markabkani qaadi karo oo uu ridi karo, balse markii la falanqeeyay sawirrada warbaahinta dawladda qaar ka mid ah khubarada ayaa soo jeediyay in ay awoodaan isticmaalka illa 10 ka mid ah hubka Pukgoksong-3 ee Kuuriyada Waqooy.

Sidoo kale, ma cadda in gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi ay hagitaan wanaagsan u leeyihiin inay ku degaan bartilmaameedyo gaar ah.