Madaxweyne guudlaawe oo abaabul dagaal bilaabay

MUQDISHO_AYAAMAHA- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab  ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Guulane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo socdaalkaan booqashada ah ay ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale ayaa jeedkoodu ahaa abaabul bulsho oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay deegaanka Guulane ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay ku wajaheen Al-Shabaab  isagoo markale ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirta iyo baabi’inta cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.