Abwaan jaamac kadiye oo laas-caano ku geeriyooday madaafiic ku dhacday awgood

LAASCAANO-AYAAMAHA-Alle Ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Abwaan Jaamac Kediye ayaa ka mid ahaa dadkii maanta ku geeriyooday duqeynta Somaliland ka wado Degmada Laascaanood, Abwaan Jaamac Kediye waa tiirweyn oo ka baxay ummada Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan suugaantiisa kaga qeyb qaatay nabadda , dowladnimada iyo horumarka.

Dadka geerida abwaanka ka tacsiyeey waxaa kamida madaxweynaha dowlada puntland Saciid Cabdulaahi deni

“Waxaan geerida Abwaan Jaamac Kediye uga tacsiyeynayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada Puntland, dadka SSC , Bahda Suugaanta Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, Alle Waxaan uga baryayaa in uu marxuumka u danbi dhaafo oo janadii geeyo, Aamiin.”

Duqeynta Somaliland ku laynayso haldoorka, birimageydada iyo guud ahaan Shacabka gobolka Sool, waxay muujinaysaa cadowtnimada maamulka Muuse Biixi u qabo dadka reer Sool, Mana ahan mid taasi la isaga hari doono. Waxaana ka tacsiyeeynaya dhammaan dadkii ku geeriyooday duqeyntaasi.