Afhayeenka ciidanka Israa’iil oo si layaab leh u qirtay inaysan suragal ahayn in la burburiyo Xamaas

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari ayaa caawa si layaab leh u qirtay inaysan suragal ahayn Israa’iil inay burburiso oo meesha ka saarto Xamaas , wuxuuna ku sheegay waraysi uu siiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 13 ; “Xamaas waa fikrad, mana dhimato fikrada, waxayna ku jiraan quluubta Falastiiniyiinta… wayna nagu adagtahay in aan meesha ka saarno.”

Wuxuu intaa ku daray , “Marna ma soo celin karno dhammaan dadka la afduubay annagoo adeegsanayna qaab ciidan … Qiimaha aan ku bixinay dagaalkan waa mid aad u sarreeya…marna ma aamusi karno.”

Hadalkan, markiiba wuxuu gilgilay Israa’iil, iyadoo oo uu soo baxay Netanyahu oo sheegaya ; “Burburinta Xamaas waa hadafka dagaalka…ciidamada Israa’iilna waxaa ka go’an inay gaaraan hadafkan.”
Fiiro gaar ah;

Wargeysyada iyo telefishinnada Israa’iil ayaa hadda ka dhigtay ciwaannada kore ee wararkooda , soo shaac bixista khilaaf u dhaxeeya militariga iyo Netanyahu , tan oo sare u qaadaysa doodda Israa’iiliyiinta , gaar ahaan qoysaska maxaabiista oo sheegaya in Netanyahu uu dagaalkan u dheereynayo si indho la’aan ah, sababo u gaar ah oo uu ku doonayo inuu kursiga ku sii joogo. Siyaasiyiinta mucaaradka iyo fallanqeeyaasha Israa’iil ayaa dhankooda soo bandhigay inay si cad u muuqanayso inuusan jirin qorshe ay Israa’iil ku guuleystan karto, hadalka afhayeenka militariga ayay ku sheegeen inuu soo dedejinayo ciidanka iyo dadweynaha inay ka daalaan dagaalka aan lahayn wax qorshe ah.

 

Israel Defense Forces spokesperson, Daniel Hagari, surprisingly admitted tonight that it is not possible for Israel to destroy and eliminate Hamas. In an interview with Israel’s Channel 13, he stated, “Hamas is an idea, and ideas do not die; they reside in the hearts of Palestinians… it is very difficult for us to eradicate them.”
He added, “We can never recover all the hostages using military means alone… The price we are paying for this war is extremely high… we cannot remain silent.”
These statements immediately shook Israel, prompting Netanyahu to respond, “The destruction of Hamas is the objective of the war… the Israeli forces are determined to achieve this goal.”
Special Note:
Israeli newspapers and television channels have made headlines of the emerging rift between the military and Netanyahu, fueling the debate among Israelis, especially the families of the hostages, who claim Netanyahu is blindly prolonging the war for personal reasons to stay in power. Opposition politicians and Israeli analysts have also pointed out that there appears to be no clear plan for Israel to succeed, suggesting that the military spokesperson’s comments highlight the army and public’s growing fatigue with a war lacking a definitive strategy.