AGAASIMAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA QARANKA OO MAANTA XILKA LA WAREEGAY

MUQDISHO_AYAAMAHA-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimahii hore ee Madaxtooyada.

Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimihii hore ee Madaxtooyada oo u mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dhammaan maamulka iyo hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay ayaa tilmaamay in sanadkii uu Xafiiska joogay uu wax la taaban karo ka qabtay horumarinta maamulka Madaxtooyada iyo fulinta siyaasadda Madaxweynaha.

Agaasime Cabdixakiim oo horey u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa munaasabadda xil-wareejinta kusoo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka isaga oo adkeeyay sida ay maamul iyo hawl-wadeen waajib ugu tahay in Madaxweynaha lagu garab istaago dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ayaa sidoo kale xusay in muhiimad gaar ah uu siin doono doorka shaqo ee Madaxtooyada uga aaddan horumarinta dalka, dayn cafinta iyo dhammeystirka Dastuurka, waxa uuna ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyadda loo igmaday.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Abshir Maxamed Axmed oo ka qayb galay munaasabadda ayaa u mahad-celiyay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada waxa uuna Agaasimaha cusub u rajeeyey in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtooyada.