ATMIS oo sheegay inay fashiliyeen weerar xerada Xalane lagu soo qaaday

MUQDISHO_AYAAMAHA- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar uu nin hubeysan ku soo qaaday Xirada Xalane ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in nin aan la aqoonsan uu isku dayay in uu galo gudaha xirada Xalane, isaga oo tooriyeeyay askari ka tirsan Ciidamada ilaalada Xirada.

“Ninkaasi askariga wuxuuna ku dhuftay mindi, saddex jeer caloosha, qoorta iyo garabka ayay ka haleeshay, waxaana askariga la dhigay Isbitaal ku yaalla xirada Xalane” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu sheegay in askartii goobta ku sugeyn ay rasaas ku fureen ninka Tooreyda watay, isla markaasna halkaasi uu ku geeriyooday.

Ciidanka ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa wada baaritaan buuxa oo ku saabsan dhacdada.