Bannaanbax Ballaaran Oo Maanta La Qorsheynayo In Uu Ka Dhaco Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo Talaado ah ayaa la qorsheynayaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan Bannaanbaxyo waa weyn, oo ay dhigayaan dadka ku nool caasimadda.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa la sheegay inay diyaarinayaan Bannaanbax ballaaran oo ka dhici doona Caasiamdda dalka ee muqdisho, iyadoo hadda ay socdaan abaabul xooggan oo  dadka lagu war-galinayo.

Ujeedka banaanbaxa ayaa la sheegay in loogu soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaa laga dalbadaya inuu qabto doorasho xalaal ah ama dalka isaga dago.

Qoraalada Boorarka ee la diyaariyey ayaa la sheegay inay ku qoranyihiin ‘Farmaajo out’ ‘wan ku dhibsane nadhaaf’ iyo ereyo kale.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Musharaxiinta mucaaradka ah, haddana waxaa jirta hadal hayn weyn oo ku aaddan in laga yaabo in ay dhacan bannaanbaxyadaasi lagu taageerayo Mushariixiinta mucaaradka ah, waxaana wararku intaas ku darayaan in bannanbaxa lagu muujin doono, sida shacabku u diidan yihiin Maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo.