CAABUDWAAQ: Magaalada Caabudwaaq Dawarsadayaashii/ Tuugsadayashii Ku noolayd oo la raafay Waa maxay sababtu ?

CAABUDWAAQ-AYAAMAHA-Dhawaan ayay ahayd Markii maamulka degamada caabuwaaq Ee waqooyiga gobolka galgaduud uu bilaabay raafida dadka dawarsada/ tuugsada ee kasoo jeeda wadanka Ethiopia

Maamulka degmadda Caabudwaaq ayaa wali wada raafitaanka Itoobiyaanka dawarsada ee bilihii udanbeeyay soo buux dhaafiyay magaalada Caabudwaaq kuwaasi oo dib loogu celinayo dalkooda.

Bulshada Caabudwaaq ayaa dareemaya  in culayskii ay ku hayeen dawarsadayaashu uu sii qafiifayo

Maamulka ayaa dadkani u raafaya sababo  ay ka mid tahay culays ay ku hayaan bulshada magaalada caabudwaaq