MUQDISHO-AYAAMAHA-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame kana mid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sababta dowladda ay maanta wadooyinka u xirtay ay tahay inay ka hortagto xus loo dhigayo askartii lagu dilay weerarkii lagu qaaday Xarunta Xisbiga wadajir 17-kii Bishii December ee sanadkii 2017.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in sanadkii labaad ay dowladda isku dayeyso inay ka hortagto xuska 17 December, waxaana uu dowladda ugu baaqay inay Shacabka wadooyinka u furto.
Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeyay in uu weerar kaas si gaar ah uga dambeeyay, islamarkaana uu diiddan yahay xusuusta iyo baroordiiqda Askartaasi.
“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray. Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka waddooyinka u fur” ayuu yiri CC Shakuur.