Camoros & Somalia oo kawada hadlay dagaalka alshabaab

MUQDISHO_AYAAMAHA-Safiirada  Soomaaliya iyo Comoros  Ambassador Cabdullaahi Maxamed Warfaa iyo Ambassador Youssouf Assoumani Mondoha, ayaa xarunta Safaaradda Comoros ee Addis Ababa ku yeeshay kulan ay kaga arrinsanayeen adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Danjire Warfaa ayaa dhigiisa Comoros Danjire Mondoha uga mahad celiyay soo dhoweynta diirran ee uu ugu sameeyey xafiiskiisa isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu xambaarsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Sidoo kale safiirka Cabdullaahi ayaa Danjire Youssouf warbixin kooban kasiiyay xaaladda guud iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha adkaynta nabad-gelyada, kobcinta dhaqaalaha, soo afjaridda dagaalka ka dhan Al Shabaab, turxaan bixinta iyo tayeynta hay’adaha Dawladda, qorshaha dayn cafinta iyo qodobo kale oo saldhig u ah Dawlad-wanaaga Soomaaliya.

Safiirka Jamhuuriyadda Comoros ee Ethiopia Youssouf Assoumani ayaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya Danjire Cabdullaahi Warfaa u caddeeyey inuu si weyn u bogaadinayo kulankan, isla markaana dhankooda ay ballan qaadayaan xoojinta xiriirka Comoros iyo Soomaaliya ayna diyaar u yihiin inay garab istaag buuxa u muujiyaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.