MUQDISHO_AYAAMAHA- Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruunir-good ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan AS oo doonayay inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira AS ee ku sugan degmadaas.
Sidoo kale intii uu socday howlgalka ayaa ciidamada waxa ay ku guulaysteen in ay ku burburiyaan gaari Noha ah oo AS ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa.