Ciidamada dowlada oo 10 dagaalyahan oo Alshabaab ka tirsan ku dilay hawlgal qorshaysan

MUQDISHO_AYAAMAHA- Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruunir-good ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan AS oo doonayay inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira AS  ee ku sugan degmadaas.

Sidoo kale intii uu socday howlgalka ayaa ciidamada waxa ay ku guulaysteen in ay ku burburiyaan gaari Noha ah oo  AS ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa.

Ciidamadu waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta AS sidoo kalana ay laayaan maleeshiyaadka ay soo qaldeen iyadoo qof kale uusan khasaaro ka soo gaarin.