Ciidamada dowlada oo degaano lawareegay

MUQDISHO_AYAAMAHA- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta AS kala wareegay deegaano xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusamareb iyo Ceelbuur kuwaa oo dagaalo ka dhacey AS looga furtay hub, isla markaana looga saarey goobo muhiim ah oo ay ku jirto magaalada Ceel-lahelay oo aheyd goob in mudo ah ay dadka Shacabka ah ku dhibayeen.

Madaxwaynaha Galgmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa goobaha la xoreeyay qaarkood sida sinadhaqo ku booqday Ciidamada ku sugan, iyagoo bogaadiyey guulaha dardarta leh ee ay soo hooyeeen mudo kooban gudohood.