Ciidamada dowlada Somalia oo kaabiga ku haya magaalada wabxo

MUQDISHO_AYAAMAHA- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa waxaa ay hadda kaabiga waxaa ay ku hayaan degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Guutada Cali Bin Abii Daalib ee uu hoggaamiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik iyo kuwo degaanka oo maalmihii la soo dhaafay kusii siqayay degmada Wabxo ayaa ku dhawaaday, iyaga oo howgal ay sameeyeen miinooyin dhowr ah ka saaray wadddooyinka.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnihii ka tirsan Al-Shabaab eek u sugnaa degmada Wabxo ay badi isaga baxeen, iyaga oo dadka Shacabka ku amray inay degmada isaga baxaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee aga soo gaaraya degmada Wabxo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo hadda ku sugan bannaanka Magaalada la filayo inay saacadaha soo socda gudaha u galaan.