Ciidanka Booliiska oo ka war bixiyay Weerar naftii halignimo ah oo Alshabaab ay kageysatay Degmada Kaxda

MUQDISHO_AYAAMAHA-Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyey Weerar arbushaad ah oo Alshabaab xalay ku qaaday Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo goordhowed Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Weerarkan oo ahaa mid naftii halignimo ah ay iska difaaceen Ciidankii ku sugnaa Saldhiga Booliiska iyo Ciidanka Booliis Militaare oo heegan ku ahaa Saldhiga,sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey dhimashada laba Askari oo ka mid ah Ciidankii ku jiray gaadhka iyo dhaawaca Saddex Askari oo kale.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in laba qof oo Shacab ahi ku dhaawacmeen Rasaasta ay Alshabaab ku furtay guryaha ku dhowaa Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda,dhinaca kale na Afhayeenka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalyahandii Alshabaab katirsanaa ee Weerarka soo qaaday Ciidanku gaarsiiyey khasaare culus oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho.