Cudur kale oo laga cabsi qaba oo ku faafaya Maraykanka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dad ka badan 200 oo ruux ayaa laga raadinayaa 27 gobol oo ka tirsan Mareykanka kaddib markii la tuhmay in ay qabaan fayraska dhifka ah ee loo yaqaanno monkeypox, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Dowladda ayaa ka cabsi qabta in dadkaas ay xiriir la sameeyeen nin kasoo jeeda gobolka Texas oo horaantii bishan cudurka ka keenay dalka Nigeria.

Ninkaas, oo la aaminsan yahay inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee cudurkaas la tagay gudaha Mareykanka tan iyo sanadkii 2003, ayaa la dhigay isbitaal, waxaana lagu soo warramay in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.

Ilaa hadda ma jiraan kiisas fayraska ku saabsan oo la diiwaan galiyay ama si toos ah loo arkay.

Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga Cudurrada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay in rakaabkii la socday labo duullimaad oo uu ninkaas raacay ay qaadeen cudurka.

Waxay mas’uuliyiinta intaas ku dareen in bukaanka uu safar ku tagay Atlanta, Georgia kaddib markii uu kasoo duulay magaalada Lagos ee dalka Nigeria taariikhdu markii ay ahayd 9-kii bishan July. Kaddib ayuu raacay duullimaad kale oo ku wajahnaa magaalada Dallas, halkaasoo uu cudurka calaamadihiisa ku dareemay isbitaalkana lagu dhigay.

Shaqaalaha xarunta xakamaynta cudurrada ayaa hadda kala shaqeyneysa shirkadaha diyaaradaha sidii looga hortagi lahaa “halista suurtagalka ah ee ka dhalan karta dadkii xiriirka la sameeyay ninka bukaanka ahaa”.

Waxaa la rumaysan yahay in fursadda uu cudurkaas ugu dhici karay rakaabka kale ay aad u yar tahay maadaama dhammaan dadka diyaaradaha saarnaa waajib looga dhigay inay xirnaadaan maaskaro, taasoo waafaqsan xakamaynta cudurka Covid-19.

Afhayeen u hadlay Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in ay hadda “la shaqeynayaan laamaha caafimaadka ee heer gobol iyo kuwa maxalliga ah si loola socdo dadka laga yaabo inuu ku dhacay fayraska monkeybox”.

“Halista ku imaan karta shacabka guud waxaa la aaminsan yahay inay hoosayso,” ayuu yidhi afhayeenka, isagoo sheegay inuusan aaminsaneyn in dadka tiradoodu tahay 200 ee ay dabagalka ku hayaan ay sababi karaan “khatar wayn”.

Muxuu yahay cudurkan?

Monkeypox waa cudur ka mid ah xanuunnada faafa, laakiin ma aha mid halistiisu ay aad u xoog badan tahay.

Wuxuu xanuunkan ku faafay qeybo ka mid ah waddamada Bartamaha iyo Galbeedka Afrika, gaar ahaan kuwa u dhow keymaha roobka badan.

Calaamadaha monkeypox

Marka ugu horreysa wuxuu qofku isku arkaa qandho, madax xanuun, dibiro, dhabar xanuun, murqo xanuun iyo daal jirka oo dhan ah.

Isla marka ay qandhadu baxdo, waxaa jirka kasoo baxa finan yar yar, kuwaasoo inta badan kasoo billowda wajiga kaddibna kusii fida qaybaha kale ee jirka. Badanaa waxay nabarrada kasoo baxaan calaacalaha gacmaha iyo lugaha.

Finanka oo afka biyo ku wata ayaa sababa cun cun aad u daran kaddib marka ay dillaacaanna waxay calaamado ku sameeyaan jirka.

Inta badan kiisaska ayaa noqda kuwo sahlan, mararka qaarna la mid ah cudurka loo yaqaanno busbuska, qofkuna si iskiis ah ayuu isaga fiicnaadaa muddo isbuucyo gudahood ah.

Hase yeeshee monkeypox ayaa mar mar halis noqda, waxaana u dhiman kara 1 qof oo ka mid ah 100 qof oo uu ku dhacay, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta cudurrada ee dalka Mareykanka.

Inkastoo uu yahay cudur aan meelo badan gaarin, markii ugu horreysay Mareykanka waxaa lagu arkay sanadkii 2003, xilligaas oo la xaqiijiyay 47 kiis, waxaana lala xiriiriyay inuu ku yimid jiir waddanka loo soo dhoofiyay.

Source: BBC