Dad ka badbaaday shil diyaaradeed oo Rashia ka dhacay

MUQDISHO_AYAAMAHA- Diyaarad Rakaab oo nooceedu ahaa Airbus A320 ayaa saakayto Degitaan Degdeg ah samaysay, xilli ay ku jirtay Duullimaad Gudaha ee dalka Raashiya.

Diyaaraddaasi oo Tirsiga Duullimaadkeeda ahaa U6-1383 waxay Cilladu qabsatay,  xilli ay isaga kala gooshaysay magaalladda loo dalxiis tago ee Sochi iyo magaalladda kale ee Omsk.

Shirkadda Diyaaradaha ee Ural Airlines Airlines sheegtay inay wada badbaadeen 161-kii qof ee saarnaa Diyaaradaasi, kadib, markii uu Duulliyaha ku dejiyey Diyaaradda dhul beereed lagu abuuray dalaga Qamadiga ama Sareenka  oo ku yaalla meel ku dhow Tuullada Kamenka ee Degmadda Ubinsky ee Gobalka Novosibirsk Oblast ee dalka Raashiya.

Hay’adda Federalka Raashiya ee Gaadiidka Hawada (The Federal Agency for Air Transport) waxay sheegtay inay Diyaaradaasi la socdeen 159 qof oo Rayid ah iyo 6 qof oo Shaqaalaha Diyaarada ah, kuwaasi oo dhamaantooda ka badbaaday Shilkaasi.