Dad ku dhintay Shil ka dhacay dalka Turkiga

MUQDISHO_AYAAMAHA-12 qof ayaa ku geeriyootay, 19 kalena wey ku dhaawacmeen Shil Bas oo saacadihii hore ee saaka ka dhacay Degmadda Sorgun ee Gobalka Yozgat ee dalka Türkiye.

Baaka anika galay oo ay lahayd Shirkadda Dalxiiska ee Kamil Koç Tourism ayaa waxa uu ku sii jeeday magaallada Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbul.

Dareewalka baska waday oo magaciisa lagu soo koobay A.T. ayaa waxa la sheegay inuu xakamayn kari waayey Baska oo uu Xawaare ku waday, wuxuuna Baska ka baxay Wadada, la hor inuusan ku dhicin meel Haadaan ah.

Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegtay inuu Shilkaasi ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Mükremin ee Waddada Weyn (Highway)-ga ee isku xirta Sivas iyo Yozgat.

11 qof ayaa isla goobtii ku geeriyootay, halka qof kalena oo dhaawacmay uu dhintay markii la gaarsiiyey Isbitaalka.

Sidoo kale, 19 qof oo ku dhaawacmay Shilkaasi ayaa waxaa loo gudbiyey dhowr Isbitaal, waxaana la soo weriyey in mid ka mid ah dadka dha