Dagaal culus oo Caawa ka socda duleedka Laascaanood

LAASCAANO-AYAAMAHA-Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka ee SSC iyo kuwa Maamulka Somaliland ayaa Maanta illaa caawa ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, dagaalkaasi ayaana la isku adeegsanayaa hubka culus.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu markii hore ee maanta uu ka bilowday weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisimo ay ciidanka SSC ku leeyihiin duleedka Laascaanod, iyadoona ciidanka SSC ay iska caabiyeen weerarka.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka saacadaha badan socda, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay, Saraakiil u hadlay SSC ayaa sheegay inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada Somaliland, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ahayd mid deggan, inkastoo ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen mararka qaarkood gudaha Laascaanood, taasi oo dhalisay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.