Dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa laga yaabaa inuu carqaladeeyo sahayda qamadiga ee Afrika, wuxuuna kordhin karaa cunno yarida qaybo ka mid ah qaaradda kuna jirto Soomaaliya oo wajahaysa abaartii ugu xumayd muddo tobanaan sano ah.

“Hoos u dhaca ganacsiga Sarreenku wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa abaarta, maadaama cuntadeena inteeda badan ay ka timaado Ruushka iyo Ukraine,” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cismaan.

Cismaan waa maamulaha hay’adda Hormuud Salaam Foundation, oo ah hay’ad samafal oo gargaar gaarsiisa dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku nool goboladda kala duwan ee dhulka Soomaaliya.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: “Laga soo bilaabo qiimaha badeecadaha, iyo saadka dhabta ah, Soomaaliya waxay dareemi doontaa saameynta dhibaatadan bilo badan oo soo socda”.

Soomaaliya ayaa inta badan qamadigeeda kasoo dhoofsata dalka Masar kaasoo 85% maciishadan muhiimka ah kasoo dhoofsada wadamadda ay colaadda ka dhex-qaraxdey ee Ruushka iyo Ukraine.

Ruushka iyo Ukraine ayaa ah dhoofiyeyaasha ugu weyn ee cuntada adduunka oo dhan, iyadoo labadooduba ay dhoofiyaan ku dhawaad 12% wadarta kalooriyada ee lagu kala iibsado adduunka.

Labada dal ayaa sidoo kale hormuud u ah soo saarista qamadiga oo dalalka Afrika ay si weyn ugu tiirsan yihiin. Bariga Afrika, oo buuxiya inta badan dalabkooda sarreenka iyada oo la soo dhoofiyo, ayaa 90% ka hela Sarreenka laga keeno Ruushka iyo Ukraine.

“Mogadisho ilaa Moscow, dunidu aad ayay isugu xidhan tahay,” ayuu raaciyey Cismaan. Hilibka iyo qamadiga ayaa ah saddex meelood meel celceliska isticmaalka badarka ee bariga Afrika.

Sababta kale ee suurtogalka ah ee carqaladaynta silsiladda saadka ee dagaalka ayaa ah in Ruushka iyo Ukrainiyiintu ay ka kooban yihiin 15% shaqaalaha maraakiibta caalamiga ah, taasoo la macno ah inay jiri doonto dhibaatooyin qaybinta alaabada haddii dagaalku xannibo dhaqdhaqaaqa shaqaalahan.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo dhamaadkiisa aan la ogayn waxa ay u badan tahay in uu saameeyo silsiladaha sahayda qamadiga ah sida Ukraine, Russia, iyo Romania, oo ah saddex ka mid ah dhoofiyeyaasha sarreenka ee ka soo rara dekedaha ku teedsan badda madow.