MUQDISHO-AYAAMAHA-Xubnaha Golaha Mustaqablka Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saaray arimaha doorashooyinka dalka ayaa shaaca ka qaaday inay asnixiyeen hannaan doorasho toos ah oo dalka looga samata bixinayo marxaladda kala guurka siyaasadeed ee xilligan ka jirto Soomaalya.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in go’aankan uu ku yimid tanaasul ay sameeyeen, iyaga u turaya shacabka Soomaaliyeed, si looga heshiiyo khilaafka taagan sida ay ku shegeen bayanka,
“Go’aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxaa saldhig u ah tanaasul siyaasadeed iyo u turida shacabka Soomaaliyeed ee hammuunta u qaba in si deg-deg ah looga heshiiyo khilaafka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayanka Golaha.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in faah-faahinta qorshahan ay soo bandhigi doonaan marka ay bilowdaan wadahadallada siyaasadeed ee xalka loogu raadinayo khilaafka muddada dheer hareeyay hannaanka doorashooyinka.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka dalbadeen inuu marka hore joojiyo doorashooyinka uu ku howlan yahay oo ay tilmaameen in natiijadooda ay yihiin kuwa lasii ogyahay.

“Goluhu wuxuu adkeynayaa in la joojiyo doorashooyinka hal dhinac ah ee natiijadooda horay loo sii asteeyay ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, si loo najixiyo wadahadalkada hannaanka doorashada tooska ah, kaas oo xaqiijin kara in codka shacabka Soomaaliyeed uu noqdo saldhigga sharciyadda siyaasadeed,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Go’aankan ay soo saareen xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo dhinac.
Si kastaba Goaanka Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo adayo xili somaaliya aay ku jirto xalad xasaasi ah oo kala dhalatay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka badalka cutubyada ka tirsan Dastuurka dalka.