Dhalinyaro dil loogu gaystay waqooyi bari kenya

MUQDISHO_AYAAMAHA-Kooxo hubeysan ayaa lix dhalinyaro ah oo Afar ka mid ah Arday ay ahaayeen   waxaa ay ku dileen duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ardayda ayaa kusii jeeday degaanka xilliga la dilayay degaanka Huluqo si ay ehelkooda ay waqtiga fasaxa ula soo qaataan, waxaana lala dilay Darawalkii Gaariga ku waday iyo qof la socday.

Wararka la  helay ayaa sheegaya in dilka Dhalinyaradaan uu la xiriiro aanooyin qabiil oo ka jira meelo kamid ah dhulka Gobolka Waqooyi Bari.

Cadow Cumar Saciid oo ah Xildhibaanka  laga soo doortay degaanka Huluqo oo Dhalinyaradaan ay u socdeen ayaa ka tacsiyadeeyay.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa dido kale sheegaya in mid kamid ah maleeshiyaadkii dilka geystay gacanta lagu dhigay  sidoo kalena kuwa haray ay ka raadjoogaan laamaha Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.