Dhalinyaro Somalia Ah oo Canada laga soo tarxiilayo

MUQDISHO_AYAAMAHA- Soomaalida ku nool Canada ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay soo faragaliso, oo ay hor-istaago qorshe ay dowladda Canada ku doonayso inay dalkaasi uga masaafuriso dhallinyaro Soomali ah oo si sharci darro ah dalkaasi ku galay.

Dhallinyarada ayaa la sheegay inay Canada kusoo galeen dokumentiyo aan sax ahayn, kuwaas oo tiradoodu ka badan tahay 150 qof.

Mid kamid ah Dhalinyarada oo hadlay ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu baajinayo in dhalinyarada Soomaaliyeed laga musaafuriyo dalka Canada, hayeeshee ay u baahan yihiin inay soo farageliso dowladda Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan arrintaasi aaanay waxba ka qaban karin, maadaama dadka aysan Canada ku gelin Soomaalinimo.

Waddanka Canada ayaa waxaa ku sugan Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo si tahriib ah ku galay si ay uga helaan Nolol dhaanta tan xilligaan kajirta dalka Soomaaliya