Dhaqtar xalay lagu dilay magaalada Galkacyo

MUQDISHO_AYAAMAHA- Magaalada Gaalkacayo waxaa Caawa lagu dilay Dhakhtar da’yar oo lagu magcaabo Sakariye Abdi Jaamac, kaasi oo la toogtay isaga oo ku jira shaqadiisa caafimaad oo uu ka waday Cisbitaalka Al-Xaramayn. lama oga meesha ay ku dambeeyeen dablaydii dishay dhakhtarka kadib markii ay goobta ka baxsadeen. Alle ha u naxariistee Marxuum Sakariye ayaa sidoo kale ka mid ahaa dhakhaatiirta Cisbitaalka Guud ee Degmada Gaalkacayo.