DHIMASHADA Dhul-gariirkii Morocco oo gaartay 2,012 qof

MUQDISHO_AYAAMAHA-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Morocco ayaa soo saartay Tiro-koobkii u dambeeyey ee dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii habeen hore ka dhacay dalkaasi.

Bayaanka waxaa lagu sheegay inay 2,012 qof ku dhinteen, halka ay 2 059 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasi oo 1,404 ka mid ah ay xaalladooda aad u liidato.

Gobalka Al Haouz oo keliya waxaa la soo weriyey inay 1,293 qof ku dhinteen.