Dhisme dumay & dhimisho iyo dhaawac ka dhashay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Guri dabaq ah oo xalay dumay oo kuyaalla Suuqa Bakaaraha gaar ‘ahaan nawaaxyiga isgooska Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Guriga dabaqa ah ee soo dumay ayaa waxa uu ka koobnaa 8-biyaano waxana wararku sheegayaan in uu ku dul-habsaday guryo kale oo hoostiisa kuyaalay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad daris laáhaa dhismaha.

Inta la xaqiijiyay gabar iyo hooyadeed ayaa ku dhintay dhismaha dabaqa ah ee soo dumay, waxaa sidoo kale la baadigoobayaa dad kale oo laga cabsi qabo in ay dhinteen kuna hoos jiraan dhismaha dabaqa ee soo dumay.

Dadka deegaanka ayaa wada gurmadka lagu baadigoobayo dadka loo maleenayo in ay dhismaha ku hoos jiraan, waxa ay sidoo kale booliiska wadaan baaritaanno ku aadan waxa sababay in uu soo dumo dabaqa dhismaha ku socday.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ku soo badanayay Dhismayaasha Dabaqyada Dhaaheer kuwaas oo aan la ogeyn Tayadooda kuwaas oo haddii aan la koontaroolin laga yaabo in ay ka dhashayaan khasaare leh naf iyo maal.