Dhuusamareeb waxaa maalintii 2aad ka socda shirka golaha wadatshiga qaran

MUQDISHO_AYAAMAHA-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo shalay ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa maanta oo Axad ah galay maalintii labaad.

Shirka Madaxda ayaa looga arrinsanayaa xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxda dowladda Federaalka  iyo kuwa maamulada ayaa maanta Shirka isku dhaafsan doona doodo ku aadan qodob gaar ah, isla markaana la iska dhageysan doono Warbixino guud oo ku saabsan xaalada amni ee dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii saddexaad ka maqanShirka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, isagoo la tilmaamay inuu uga maqan yahay khilaaf kala dhexeeya madaxda Dawladda Federaalka. Dhawr jeer oo hore oo la isku dayay in xal loo helo muranka labada dhinac ayaa guuldarro ku soo dhammaaday.

Lama oga inta uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani uu ka sii maqnaan doono shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka, in kastoo wakiillada beesha caalamka ay dhawr jeer ugu baaqeen in uu ka qayb galo kulamada, halkaasna uu aragtidiisa ku soo bandhigo.