Digniin laga soo saaray dagaal nukliyeer oo lagu halaagsamo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Adduunyadu waxay hal tallaabo oo si qaldan loo qaado u jirtaa inuu ka dhaco dagaal lagu halaagsamo, la isuna adeegsado hubka wax gumaada ee nukliyeerka, sida uu ka digay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

“Ilaa hadda waxaan u nasiib-badannahay si aan caadi ahayn,” ayuu yiri Guterres.

Xiisadaha caalamiga ah iyadoo ay sii kordhayaan, “sii jirista bani’aadamka waxay ku xiran tahay hal is-faham-waa oo dhaca, ama xisaab qaldanta oo sababta in la isugu adeegsado nukliyeer,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xoghayaha.

Hadalka Antonio Guterres wuxuu ku soo aadayaa xilli uu furmay shirweynaha dalalka saxiixay heshiiska nukliyeerka.

Heshiiskaas oo dhacay sanadkii 1968 wuxuu ka dhashay qalalaasaha gantaalaha Cuba. Waa dhacdo inta badan lagu tilmaamo inay ahayd tii ugu dhowayd ee abid sababi gaarta dagaal nukliyeer. Heshiiska waxaa loo dejiyay qaab looga hortagayo in dalal badan ay sameystaan ama in la faafiyo hubka nukliyeerka, iyo in la sii wado hadafka ugu dambeeya ee ah hub-ka-dhigis dhameystiran oo nukliyeerka ah.

Inta badan dalalka adduunka oo dhan ayaa saxiixay heshiiska ku saabsan inaan la faafin hubka nukliyeerka oo ay ku jiraan shanta quwadood ee ugu waawayn ee haysta nukliyeerka. Laakiin dalalka faro-ku-tiriska ah ee aan weligood saxiixin waxaa ku jira afar waddan oo la og yahay ama looga shakisan yahay inay heystaan ​​hubka nukliyeerka, kuwaas oo kala ah: Hindiya, Israa’iil, Kuuriyada Waqooyi iyo Bakistaan.

Antonio Guterres

Xoghaye Guterres ayaa sheegay in “nasiibka” ay dunidu uga badbaadday musiibada nukliyeerka in laga yaabo in uusan sii jirin – wuxuuna ku boorriyay dalalka caalamka inay dib u cusboonaysiiyaan dadaallada lagu baabi’inayo dhammaan hubkaas.

“Nasiibku ma aha istaraatiijiyad. Sidoo kale ma aha wax looga gaashaaman karo in xiisadaha juqraafiyadeed ee ku baahaya adduunka ay isu rogaan dagaal nukliyeer,” ayuu yiri.

Waxa uu ka digay in xiisadaha caalamiga ah ee taagan ay “dib u soo celinayaan heerar cusub” – isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay, tusaalena u soo qaatay duullaanka Ukraine, xiisadaha gacanka Kuuriya iyo Bariga Dhexe.

Ruushka ayaa si weyn loogu eedeeyay inuu sii hurinayo xiisadda markii maalmo kaddib duullaankii uu bishii Febaraayo ku qaaday Ukraine, uu Madaxweyne Vladimir Putin heegan sare galiyay hubka nukliyeerka ee Ruushka.

Waxa uu sidoo kale cawaaqib-xumo ugu hanjabay qof kasta oo is-hortaaga dariiqa Ruushka. Istaraatiijiyadda nukliyeerka ee Ruushka waxaa ka mid ah adeegsiga hubka nukliyeerka haddii jiritaanka dowladda uu halis ku jiro.

Xarunta laga hago nukliyeerka

Isniintii, ayuu Putin warqad u qoray Guterres, taas oo uu ku sheegay “inaan lagu guuleysan karin dagaal nukliyeer ah, ayna tahay inaan waligiis la furin”.

Laakiin, Ruushku wuxuu weli isu arkay in lagu dhaliilay shirka nukliyeerka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray hanjabaadda milateri ee Ruushka – waxa uuna tilmaamay in Ukraine ay ku wareejisay hubkeeda nukliyeerka xilligii Soofiyeedka 1994-kii, kaddib markii ay damaanad-qaad amnigeeda mustaqbalka ah ka heshay Ruushka.

“Farriin noocee ah ayay tani u direysaa waddan kasta oo adduunka ah oo u malaynaya inuu u baahan yahay inuu haysto hubka nukliyeerka ah – si uu u ilaaliyo, u difaaco, ama uga hortago gardarrada ka dhanka ah madax-bannaanidiisa?” ayuu waydiin ahaan u yiri. “Fariinta ugu xun ee suurtagalka ah,” ayuu raaciyay.

Maanta, ilaa 13,000 oo gantaal nukliyeer ah ayaa loo malaynayaa in uu jiro oo shaqeynayo. Sagaal dal ayaa ku hubeysan – aad ayuu uga hooseeyaa qiyaasta 60,000 oo dalalku ay haystaan bartamihii 1980-meeyadii.

BBC