DIL KA DHACAY DEGMADA BALAD XAAWO EE GOBOLKA GEDO

BALAD XAAWO_ Degmada Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo Waxaa Caawa Lagu Dilay Wiilka dhalinyarada Ee Sawirkiisa kor Idin Kaga Muuqdo.

Wiilkaan Dhalinyarada Ah Ayaa Waxaa Aaladda Tooreyda Halawda Kaga Shubay Nin Kale Oo Isna Dhalinyaro Ah Xiliga Salaadda Maqrib Ka Dib, Taas Oo Markii Hore Gaarsiisay Dhaawac Halis Ah.

Dhaawaca Wiilka Oo Aad U Cuslaa Ayaa Lasoo Gaarsiiyay Isbitaalka Khaliil Balse Dhiig Bax Xoogan Ka Dib Wiilka Ayaa Naf Baxay Daqiiqado Yar Un Ka Dib.

Dhacdadaan Foosha Xun Ayaa Ka Dhacday Suuqa Farjanno Ee Degmada, Waxaana Sida La Sheegay Goobta Ka Baxsaday Ninka Dilka Geystay, Ilaa Hada Lama Oga Sababta Keentay Khilaafka Dilka Horseeday Ee Dhex Maray Raggaan.

Falalka Noocaan Ah Ayaa Kusoo Badanayada Degmada Ayidoo Isla Isbuucan Fal Kan La Mid Ah Tuulada Oodan Oo Hoos Timaada Degmada Ay Haweeney Toori Ku Dishay Haweeney Kale.

Allaah haa unaxariiste  Mahad Siyaad Abdi Ibraahim oo ku magaca-dheer Ilkacase Mahad ayaa waxaa dilay yar lagu magacaaba Cumar Sokor Dilka ayaa ka dhashay khilaaf soo kala dhaxgalay marxuumka iyo dilaaga Allaha unaxariistee 🥲🥲🥲🥲