Donald Trump : Madaxweynihii hore ee maraykanka Donald Trump oo dacwad lagu soo oogay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa laalidda doorashadii 2020 uu ku guul darreystay ee gobolka Georgia.

Isaga iyo tiro kale ayaa lagu soo oogay dhowr dacwadood oo ay ku jirto wax is daba marin.
Waa markii afaraad ee Donald Trump lagu soo oogo dacwad sanadkan dhexdiisa.
Waa uu beeniyay dhammaanba eedeymaha.

Xeer-ilalaiyaha degmada Fulton Fani Willis ayaa bilaabay baaritaanka bishii February 2021.
Weriyeyaasha ayaa ku sugnaa ilaa galinkii danbe ee shalay maxkamada Atlanta.