Dowlada Fedaralka Somalia oo sheegtay inay dishay in ka badan 20 dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan

MUQDISHO_AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay dileen in ka badan 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaannka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda, hawlgalkan ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay.

“Waxaa lagu beegsaday laba guri oo khawaarijtu ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa, waxaana howlgalka lagu burburiyey guryihii Khawaarijta fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen.” ayaa raacisay warbaahinta afka dowladda.”Ciidanka Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an sifaynta Khawaarijta.” ayaa lagu soo gabangabeeyay qoraalkan.

Warbaahintu si madax-bannaan uma xaqiijin sheegashada dowladda ee dilka maleeshiyada Al-Shabaab.

Dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya dhinaca hawada weli si rasmi ah uma aysan xaqiijin haddii ay ka qeybgaleen howlgalkan.