Dowlada maraykanka oo door ku yeelanaysa wadahadalada Somalia & somaliland

MUQDISHO_AYAAMAHA-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan miro dhal ah la qaatay Mr. Shane L.Dixon oo ah ku-simaha safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleyn guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladda Somaliland iyo Wadahadallada DF iyo SOMALILAND.

Ku-simaha Safiirka ayaa u noo cadeeyay ergayga sida ay Dowladda Mareykanka markasta oga go’an tahay wadajirka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in ay garabtaagan yihiin in ay wadahadaladu guuleystaan
Tan iyo markii Abdikarim Hussein Guled loo magacabay Ergayga Gaarkaa ee madaxweynaha JFS u qaabilsan Arimaha wadahadallada DFS iyo Somaliland waxa socda dadaalo coogan oo arintani ku saabsan