Dowlada Maraykanka oo lacag ugu deeqday ciidamada dowlada Somalia

MUQDISHO_AYAAMAHA-Maraykanka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa $2 milyan oo dollar ku wareejisay Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loogu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

UNSOS waxay taageertaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah al-Shabaab ka wada dalka.

lacagtaan ayaa lagu maalgelin doonaa gaadiidka, daadgureynta iyo daawaynta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyadoo la raacayo waajibaadka UNSOS.

“Waa muhiim in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay helaan taageerada saadka ee xooggan ee loo baahan yahay si looga adkaado al-Shabaab goobaha dagaalka,” ayuu yiri Shane Dixon, oo ah Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

“Waan ku hanweynahay inaan taageerno UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya hadafkeenna aan wadaagno ee horumarinta nabadda.” UNSOS waxaa hadda loo igmaday in ay taageerto 15,900 oo ka tirsan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed marka loo eego baahiyaha saadka ee gaarka ah.

“Tabarucdani waxay ku soo beegantay waqti ku habboon waxayna si togan u saamayn doontaa hawlaheenna ku aaddan bixinta taageerada saadka ee degdegga ah ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Taageeradaan waxaa mid waajib ku ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana mudnaanta fulinta taageeradan dejisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayay tiri Aisa Kirabo Kacyira, Madaxa UNSOS.