Dowlada oo shegtay in Alshabaab ay kala wareegeen Ceelgaras

MUQDISHO_AYAAMAHA- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horey gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab.

Warkan oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay iminka “halkaas ka wadaan howlgal sifeyn ah.”

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in ciidamada ay u suurta-gashay qabsashada magaaladan kadib markii ay ka baxeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadal warka ku saabsan in Ceelgaras ay ka baxday gacantooda, taasi oo dowladda ay ugu yeertay “guul-weyn oo laga gaaray” dagaalka Al-Shabaab.