Dowlada Somalia: Marabtaa in Alshabaab Ka soo baxdo soo wac numberkaas

MUQDISHO_AYAAMAHA-Dowladda Federeaalka ayaa sameysay numberro ay soo wici karaan xubnaha doonaya inay kasoo baxaan maleeshiyada Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan maanta kasoo baxay Xarunta cilmi-baarista iyo ka hortagga xargjirnimada ee Tubsan National Center.

Xarunta Tubsan oo toddonaadkii hore ay sameysay dowladda ayaa sheegtay in loo fududeyn doono xubnaha doonaya inay kasoo goostaan Al-shabaab.

“Argagixisadu kala jecla inaad dhimato ama aad silic ku noolaato. Waxay kuugu yeerayaan inaad daadiso dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah ama uu kaagu daatoo, taas oo adduun iyo aakhiro beel ah. Balse dowladdu waxau had iyo jeer diyaar u tahay inay kaa caawiso sidii aad nolol iyo mustaqbal fiican u heli laheyd. Haddaba kasoo laabo la jirka iyo fikradaha argagixisada oo ka faa’iideyso fursadda cafiska ee dowladda Soomaaliya kuu fidisay” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xarunta Tubsan.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in waaliddiinta carrurtoodu ay ka tiran yihiin Al-shabaab ay sidoo kale lasoo xiriiri karaan xarunta. Waxay Turbsan intaas raacisay in xogta la xiriirta xubnaha isi soo dhiibaya la dhowri doono.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkii hore markii xilka loo doortay ku dhowaaqay inuu qaabab hore leh ula dagaalamayo al-Shabaab, taasi oo aan ku koobnayn dagaalka milatariga ah, balse ay ku jiraan dagaalka dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka.