Dowlada Somalia oo shaacisay xiliga rasmigaa ee laxirayo Aaldaha Tiktok , 1XBET ,TELEGRAM

MUQDISHO_AYAAMAHA-Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay in la xiro baraha isgaarsiinta bulshada ee TikTok, Telegram iyo 1xbet, kadib shir wadatashi ah oo ay ka yeesheen dhinaca bedqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo adeegyada baraha bulshada, kaas oo ay iskugu yimaadeen madaxda wasaaradda, hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta ee Dalka.

Wasaaradda ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee internetka bixiya siisay ilaa Khamiista soo socota inay ku joojiyaan adeegga internetka ee barahaas bulshada.

Dhalinyarada isticmaasha aalada TIKTOK ayaa ayagu xalay soo bandhigay aalada tiktok oo ay soomaalidu si aan xadlahayn u isticmalaan