Dowlada Somalia oo sheegtay inay dishay saraakiil sare oo AS ka tirsan

MUQDISHO_AYAAMAHA-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwciisleyda ay xalay ka fuliyeen Galbeedka Ceel-La Helay ee Gobolka Galgaduud oo shalay ay la wareegeen ciidamada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid gaar ah lagu dilay saddex sarkaal ka tirsanaa Al-Shaabab, kuwaasi oo la sheegay inay mas’uul ka ahaayeen wax loogu yeeray falalka diinta ka baxsan oo ay ka fulin jireen Galmudug.

Dowladda ayaa magacyada saraakiisha la dilay ku kala sheegtay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha dagaalamayaasha Al-Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa xubno lagu daba jiray, waa sida hadalka loo dhigay.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka deegaanka ee gacanta ka gaystay fududaynta hawlgalka, waxaa ka go’an Dowladda oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay DFS.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ayaa shalay la wareegay deegaanka Ceel-La Helay ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab